Nuur Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Nuur, Baby & children's clothing store, 0910618036, Addis Ababa.

30/03/2025
Waxa jira khibrado qofka ku sababa in uu noqdo mid macangag ah. Tusaale ahaan, qof yaraantiisii aad loo dhibaatayn jiray...
22/02/2022

Waxa jira khibrado qofka ku sababa in uu noqdo mid macangag ah. Tusaale ahaan, qof yaraantiisii aad loo dhibaatayn jiray ama soo maray korniin tacaddi wata waxa suurogal ah in isaguna tacaddiyo maskaxeed ama jidheed gaysto marka uu waynaado.

Xaaladaha kala duwan ee qofku ku koro waxa ay saamayn taban iyo toganba ku yeeshaan noloshiisa: agoonnimada, rajannimada, madinnimada, ayeeyo-korisnimada, iskoriska iwm. Haddii aad qofka dabeecaddiisa u fiirsato si fudud baad u garan kartaa hannaanka uu u soo koray. Xaaladahani waxa ay saameeyaan maskaxdiisa iyo tabta uu u fikirayo.

Xaaladahaa ta ugu qallafsan ee uu ilme ku barbaari karaa waa ta hooyo la'aanta ah (rajannimada). Waxa ay sababtaa in qofkaas noloshiisa ay ka maqnaato kaalin wayn oo maskaxdiisa koboceeda qayb laxaad leh ku yeelan lahayd, gaar ahaan qaybta naxariista iyo dad la dhaqanka wanaagsan.

Madinnimada ayaa iyaduna ka mid ah xaaladaha qallafsan ee uu qofku ku kori karo. In kasta oo aanay dad badan aaminsanayn in ay leedahay saamayn taban oo qofka keli ahi kaba nasiib badan yahay kuwa kale, waxa se xaqiiqo ah in si la mid ah ubadka kale ee kaalmaha waalidku ka maqan yahay isna ka maqan tahay kaalinta walaalnimadu.

Walaalnimadu waxa ay kaalin wayn ka qaadataa korniinka qofka. In ilmuhu helo qof la mid ah si uu u fahmo dabeecado badan oo carruureed waa muhiim. Haddii uu cid la mid ah guriga ka dhex waayo waxa adkaanaysa in uu fahmo doorkiisa iyo waxa ay tahay in uu qabto.

Maadaama uu guriga keligii joogo, dadka kale ee guriga la joogaana ay yihiin dad waawayn, ilmaha keliga ahi waxa uu is waydiiyaa had iyo jeer su'aalo badan. Waayo ilmuhu marka uu yar yahay ee uu arko ilmo kale ayuu gartaa cidda uu yahay iyo kaalintiisa. Laakiin haddii uu cidba waayo, maskaxdiisa su'aalo badan baa ku furma waana ta keenta in carruuraha madiyada ahi ay noqdaan marar badan dad aamusan oo aan hadal, ama goonisocod ah, oo ay adag tahay in ay dadka la dhaqmaan oo soo soo dhex galaan

03/10/2021

Rag iyo dumaroow ogoow
riyada reer kuma dhismee
run-buu ku nagaanayaa
Rafiiqi buu doonayaa
hadaan la is raali galin
Barwaaqo raarantoo
cishqiqu wuu ragaadayaa
jacaylkuna wuu ribaday
Ra’yigoo la is dhaafsadaa
rasmiga lagu gaadhayaa
Markaasaa raaliya ninkuu
calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa
Markay tolo raaran tahey
rabbaa lala kaashadaa
dantoo la iska raaridaa
Samaha lagu raadiyaa
rug iyo guri lagu dhisaa
Raxmaad soo da aa
ramaadku soo baxaa
rucubta laga soo gurtaa
Rayrayn lagu waarayaa
raaxo da loo wada jiraa
Markaasaa raaliya ninkuu
calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa

Waliga jaceyl been hachilin Iska ilaliya
30/09/2021

Waliga jaceyl been hachilin Iska ilaliya

Address

0910618036
Addis Ababa

Telephone

+251915106931

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nuur posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share