15/03/2019
Jimcaha waa maalin fadli badan waayo waa ciidda
muslimiinta, waa maalin ay muslimiintu ku kulmaan
masaajidka iyagoo ka kala yimi meelo kala fog si ay u
dhagaystaan xuska Alle iyo wacdiga Imaamka.
Qofka muslimka ah haduusan dhageysan wacdi muddo dheer
qalbigaa mirira marka xigana ka awdma kheyrka, Nabiga
naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey orkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
( ﻟَﻴَﻨْﺘَﻬِﻴَﻦَّ ﺃَﻗْﻮَﺍﻡٌ ﻋَﻦْ ﻭَﺩْﻋِﻬِﻢْ ﺍﻟْﺠُﻤُﻌَﺎﺕِ ﺃَﻭْ ﻟَﻴَﺨْﺘِﻤَﻦَّ ﺍﻟﻠَّﻪُ
ﻋَﻠَﻰ ﻗُﻠُﻮﺑِﻬِﻢْ ﺛُﻢَّ ﻟَﻴَﻜُﻮﻧُﻦَّ ﻣِﻦْ ﺍﻟْﻐَﺎﻓِﻠِﻴﻦَ ) ﺭﻭﺍﻩ ﻣﺴﻠﻢ
Ragga haddii eeyan ka joogin ka tegidda ay ka tegeyaan
salaadaha jimcooyinka Ilaahay wuxuu ka dabooli doonaa
quluubta kadibna waxay noqonayaan kuwo kheyrka
hilmaansan.
Jimcadu waxay ka mid tahay xilliyada samadu furan tahay oo
hadduu addoonku ducaysto Ilaahay kor ahaaye ka aqbalayo
ducada Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey korkiisa ha
yeelee wuxuu yiri:
( ﺧَﻴْﺮُ ﻳَﻮْﻡٍ ﻃَﻠَﻌَﺖْ ﻓِﻴﻪِ ﺍﻟﺸَّﻤْﺲُ ﻳَﻮْﻡُ ﺍﻟْﺠُﻤُﻌَﺔِ ﻓِﻴﻪِ ﺧُﻠِﻖَ
ﺁﺩَﻡُ ﻭَﻓِﻴﻪِ ﺃُﺩْﺧِﻞَ ﺍﻟْﺠَﻨَّﺔَ ﻭَﻓِﻴﻪِ ﺃُﺧْﺮِﺝَ ﻣِﻨْﻬَﺎ ﻭَﻟَﺎ ﺗَﻘُﻮﻡُ
ﺍﻟﺴَّﺎﻋَﺔُ ﺇِﻟَّﺎ ﻓِﻲ ﻳَﻮْﻡِ ﺍﻟْﺠُﻤُﻌَﺔِ) ﺭﻭﺍﻩ ﺍﻟﺘﺮﻣﺬﻱ
Maalin ay qorraxi usoo baxdo waxaa u kheyr badan maalinta
jimce, waayo waa maalintii la abuuray nabi Aadam, waana
maalinta jannada la geliyay, waana maalintii xageeda laga soo
bixiyay, qiyaamaduna dhici mayso maalinaan jimco aheyn.
Sidaa awgeed Alle kor ahaaye wuxuu noo dardaarmay in loo
degdego salaadda jimce marka laysugu yeero wuxuuna yiri:
( ﻳَﺎ ﺃَﻳُّﻬَﺎ ﺍﻟَّﺬِﻳﻦَ ﺁﻣَﻨُﻮﺍ ﺇِﺫَﺍ ﻧُﻮﺩِﻱ ﻟِﻠﺼَّﻼﺓِ ﻣِﻦ ﻳَﻮْﻡِ
ﺍﻟْﺠُﻤُﻌَﺔِ ﻓَﺎﺳْﻌَﻮْﺍ ﺇِﻟَﻰ ﺫِﻛْﺮِ ﺍﻟﻠَّﻪِ ﻭَﺫَﺭُﻭﺍ ﺍﻟْﺒَﻴْﻊَ ﺫَﻟِﻜُﻢْ ﺧَﻴْﺮٌ
ﻟَّﻜُﻢْ ﺇِﻥ ﻛُﻨﺘُﻢْ ﺗَﻌْﻠَﻤُﻮﻥَ) ﺍﻟﺠﻤﻌﺔ : 9
Kuwa Alle iyo xaqa rumeeyow marka la adimo salaadda jimce
u degdega xuska Alle kana taga wax kala iibsiga saasaana
idiin kheyr roon haddaad tihiin kuwo wax garanaya.
Haddaba waxaa habboon in loo darbado jimcaha oo qofka
muslimka ah uu qubeysto oo weyso qaato, Nabiga naxariis iyo
nabad gelyo Ilaahey korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
( ﻋَﻠَﻰ ﻛُﻞِ ﻣُﺴْﻠِﻢٍ ﺍﻟﻐُﺴْﻞُ ﻳﻮﻡَ ﺍﻟﺠُﻤْﻌَﺔِ ﻭ
Waxaa waajib ku ah ruux walba
inuu qabeysto maalinka jimcaha ah
Ka dib ruuxa markuu madjidka taga mesha banaan ui fadhiisto kadib labada rakaca oo sunada uu tukada
Hadana aaamusa oo qudbada dhageysata
Waxuu hela
10 bari oo danbi dhaaaf