18/06/2026
20-KA QALAD EE UGU WAAWEYN EE
BEGINNERS-KA GYM-KA GALAAN
1. Inay rabaan natiijo degdeg ah
Murqo dhisidda ama dufan dhimistu waxay u baahan
tahay waqti, dulqaad, iyo joogteyn.
2. Barnaamij la'aan gym-ka gelid
Dad badan waxay sameeyaan jimicsi aan qorshe
lahayn, taas oo yareysa horumarka.
3. Technique khaldan (qaabka jimicsiga)
Miisaan culus oo qaab xun lagu qaado wuxuu keeni
karaa dhaawac iyo horumar gaabis ah.
4. In miisaan culus lagu bilaabo Ego lifting waxay keeni kartaa dhaawac. Baro movement-ka marka h**e.
5. Inaan la raacin Progressive Overload Haddii aadan si tartiib ah u kordhin miisaanka, reps-ka, ama shaqada murqaha, horumarka wuu istaagi karaa.
6. Protein ku filan inaan la cunin Murqaha waxay u baahan yihiin protein ku filan si ay u koraan una soo kabtaan.
7. Calories-ka aan la fahmin Weight gain wuxuu u baahan yahay calorie surplus, halka fat loss uu u baahan yahay calorie deficit.
8. Hurdo yar 7-9 saacadood oo hurdo ah waxay ka qayb qaadataa soo kabashada iyo hormoonnada jirka.
9. Maalin kasta isla murqaha garaacid Murqaha waxay u baahan yihiin waqti ay ku soo kabtaan.
10. Inaan la samayn warm-up Warm-up wanaagsan wuxuu diyaariyaa murqaha iyo kala-goysyada hadii kale dhaawac kugu dhici kara
11. Cardio badan oo aan qorshaysnayn
Cardio badan, gaar ahaan iyadoo cunto ku filan la waayo, wuxuu adkayn karaa korodhka miisaanka.
12. Jimicsiga oo mar walba la beddelo
Barnaamijka wanaagsan waa in waqti ku filan la siiyaa
si horumar loo cabbiro.
13. In la dayaco lugaha Qaar badan waxay xooga saaraan chest-ka iyo gacmaha oo kaliya.
14. Biyo yar cabbid Fuuq-baxu wuxuu saameyn karaa waxqabadka jimicsiga oo yaraada
15. In lagu tiirsanaado supplements-ka
Supplements-ku waa caawimo; cuntada, jimicsiga, iyo hurdada ayaa saldhig u ah.
16. Isbarbardhig joogto ah oo dadka kale ah
Jidh kasta wuxuu leeyahay genetics, khibrad, iyo xawaare horumar oo kala duwan.
17. Inaan la qorin horumarka Qorista miisaanka, reps-ka, iyo cabbirrada jirka waxay kuu sheegaan halka aad ka socoto.
18. Cunto xun kadib gym-ka Qaar badan waxay u maleynayaan in jimicsigu tirtirayo cunto kasta oo aan dheellitirsanayn.
19. Maalmo badan oo gym-ka laga maqnaado
Consistency-ga ayaa ka muhiimsan hal usbuuc oo
dadaal badan.
20. In aan la helin macluumaad sax ah Raac nidaam cilmi ku saleysan halkii aad ka raaci lahayd talooyin aan la hubin. Xeerka Dahabka ah ee Beginner-ka:
"Ha raadin jimicsiga ugu adag, raadi qorshaha aad si joogto ah u raaci karto muddo dheer." 90% natiijada gym-ku waxay ka timaadaa:
* ๏ปฟ๏ปฟJimicsi sax ah
* ๏ปฟ๏ปฟCunto ku habboon hadafka
* ๏ปฟ๏ปฟHurdo wanaagsan
* Joogteyn muddo dheer
Talo ka timid coach kamid ah coach ka somalida