KEKY

KEKY ROAD TO 30k followers for more entertainment.

16/01/2026

Hassan sheikh waa inuu reerkaas hargeisa dagan soo salama saan ceeb waye, Ayaga xaq malaha miyaa

Sidee Masaaridu ugu gacan seereen, Boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo Saamaynta Arrintaas ee Xeebaha SoomaaliyaQaybta 1aad...
15/01/2026

Sidee Masaaridu ugu gacan seereen, Boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo Saamaynta Arrintaas ee Xeebaha Soomaaliya

Qaybta 1aad: Cusmaaniyiinta, Masaarida, iyo Xeebaha Soomaaliya

Qarnigii 16aad ilaa 19aad, Boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire) waxay ahayd awood Islaami ah oo ballaaran, kana talinaysay dhulal badan oo ay ka mid ahaayeen Masar, Hijaz (Makkah iyo Madinah), iyo qaybo ka mid ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Masar, inkasta oo ay hoos imaanaysay Cusmaaniyiinta, haddana marar badan waxay lahayd maamul u gaar ah iyo dano ka madax-bannaan Istanbul. Markii khatarta reer Yurub (gaar ahaan Bortuqiiska iyo Ingiriiska) ay ku soo badanaysay badaha, Cusmaaniyiintu waxay Masar u oggolaadeen inay ka qayb qaadato ilaalinta marinnada badda ee istaraatiijiga ah — oo ay ku jiraan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Si kastaba ha ahaatee, taariikhyahanno badan ayaa sheegaya in:
• Masar ay mudnaanta siisay danahaheeda gaarka ah
• Ayna si dhab ah u difaacin xeebaha Soomaaliya
• Isla markaana ay ku fashilantay ka hortagga quwadaha reer Yurub

Faaruqii amni ee ka dhashay dayacaas wuxuu fursad u noqday Ingiriiska.



Qaybta 2aad: Ingiriiska, Hindiya, iyo Qabsashadii Somaliland

Qarnigii 19aad, Ingiriiska wuxuu ahaa awood caalami ah oo saldhiggiisu ahaa Hindiya (British Raj). Hindiya waxay u ahayd xarunta ugu weyn ee maamulka iyo ciidanka Ingiriiska ee Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya.

Markii Cusmaaniyiinta iyo Masar ay ka gaabiyeen ilaalinta:
• Xeebaha waqooyiga Soomaaliya (Somaliland)
• Marinnada badda ee u dhow Cadan

Ingiriiska wuxuu si tartiib ah ula wareegay:
• Dekedaha
• Heshiisyo la galay qabaa’ilka maxalliga ah
• Kadibna wuxuu ku dhawaaqay British Somaliland

Arrintan waxay dhacday xilli:
• Cusmaaniyiinta ay ku mashquulsanaayeen dhibaatooyin gudaha ah
• Masarna aysan lahayn awood iyo rabitaan ay ku difaacdo Soomaaliya


Sidaas ayay Somaliland ugu gacan gashay Ingiriiska, iyadoo aan dagaal ballaaran lagu gelin.



Qaybta 3aad: Masar, Siyaad Barre, Sacuudiga, iyo Maraykanka (Qarnigii 20aad)

Markii xukunka uu qabtay Maxamed Siyaad Barre (1969), Soomaaliya waxay si buuxda ugu janjeertay Midowgii Soofiyeeti (Soviet Union). Tani waxay ka walwalsiisay:
• Maraykanka
• Sacuudiga
• Masar

Dabayaaqadii 1970-meeyadii, sida ay sheegaan warbixinno taariikheed iyo xusuus-qorayaal siyaasadeed:
• Masar waxay u dirtay wafdi Siyaad Barre
• Waxay u soo bandhigeen ballanqaad dhaqaale oo balaayiin doolar ah, lacagtuna ay ka imanayso Sacuudiga
• Ujeeddadu waxay ahayd in Soomaaliya ay ka baxdo saameynta Soofiyeetka

Laakiin Maraykanka ayaa arrinta u beddelay jihada kale:
• Halkii lacagta loo isticmaali lahaa horumar iyo dhaqaale
• Waxaa lagu beddelay hub iyo qalab militari
• Soomaaliya waxaa loo jiheeyay dhanka reer Galbeedka

Tani waxay sababtay:
• Militarization xooggan
• Ku tiirsanaan hub shisheeye
• Iyo in Soomaaliya noqoto goob dagaal qabow (Cold War proxy state)


- Maanta 2026
Masar ayaa isku dayeysa in ay markale jilaafo u dhigto Somalia, taarikhyadii horena dib usoo celineysa…
Turkey, Masar iyo Saudi Arabia dantooda ayay wax walba ka dhex arkeen. dhammaantood waxay gacan saar laleeyihiin Gumeystaha esreal iyo Marekan.
Somalia iyo Somaliland ayagaa isla dhashay, oo dad isaga dhaw, heshiis la isku raacsanyahayne qaadan karo, laakiin in dano shisheeye oo isdiidan lagu dhex walaaqo dano somali ka dhexeyso, waa arrim aan Ka somali ahaan noo wanaagsaneyn..

==Gunaanad==

Marka la eego aragti taariikheed:
• Masar waxay marar badan u dhaqantay dan gaar ah
• Cusmaaniyiinta waxaa lagu eedeeyaa dayac
• Ingiriiska wuxuu ka faa’iidaystay fursad bannaan
• Qarnigii 20aadna Soomaaliya waxay ku dhex dhacday loollan quwado shisheeye

Taariikhda Soomaaliya waxay noqotay mid ay saameeyeen:
dayac, dano shisheeye, iyo go’aanno lagu gaaray cadaadis dibadeed.

Markii esrael ay aqoonsatay Reer waqooyiga gooni goosadka ah, jubbaland iyo puntland wax war k**a soo saarin ayadoo addu...
13/01/2026

Markii esrael ay aqoonsatay Reer waqooyiga gooni goosadka ah, jubbaland iyo puntland wax war k**a soo saarin ayadoo adduunkii dhan kasoo horjeestay ayaga wey ka aamuseen, laakiin caawa markii dowladda somalia iyo emirate is qabteen oo emirate dalka laga eryay, isla markiba wa kasoo horjeesteen, taasi waxay daliil u tahay, Dalka inuu emirate ka taliyo. Oo amarka dowladda ka weynyahay. Deni iyo Madoobe wax walba oo dowladda keento wey kasoo horjeestaan.. marka hadhow markay xilalka waaweyn qabsadan ayagana yey u talin doonaan… ileyn ayagaba diidene in loo taliye…

12/01/2026

SOMALILAND penalty baa u taallo
UAE ma aqoonsan donan Somaliland

12/01/2026

Beesha keliya ee Marekan, ethiopian la dagaashay haddane esreal la dagaaloso yaa sheegi kara? Xaq baan u leenahay in aan dhahno Somalia unukaa leh.

09/01/2026

SUGAAYLAND🤣🤣 wasaarad walba oo shir qabaneyso sugaay baa lasoo qoraa.. dan k**a dhacda miyaa masakinta YHDDA hoos jiifa

06/01/2026

Falalkii argagaxgelinta ayay bilaabeen qowmkii Yd walaashadey

05/01/2026

Somali united (SU) hadda sameysano kawrma cidwalba Gooni laakin hal mowqof sida EU, ogadenia, Somaliland, NFD, Djabouti, and Somalia.. all in one… cidwalba mesha ay jogto ayada katalineyso laakiin hal mowqof baa naga dhaxeya oo an ururkaaas..

Waa kaas wariyahooda sidaa u hadlaya
05/01/2026

Waa kaas wariyahooda sidaa u hadlaya

05/01/2026

Been whatsappka La isugu soo direy baa meelaha waregeyso Somalia ayaa ka codsatay Esreal heshis si ay ugu biiraan Abraham, bal beentaas ila arka…. maba xishodan ciyaalkan ayagoo qayilaya la dhalay🤪

02/01/2026

H*tler iyo Siyad barre shaqada in ay dhameystiraan ayay eheed🤪

02/01/2026

وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا قَرۡيَةٗ كَانَتۡ ءَامِنَةٗ مُّطۡمَئِنَّةٗ يَأۡتِيهَا رِزۡقُهَا رَغَدٗا مِّن كُلِّ مَكَانٖ فَكَفَرَتۡ بِأَنۡعُمِ ٱللَّهِ فَأَذَٰقَهَا ٱللَّهُ لِبَاسَ ٱلۡجُوعِ وَٱلۡخَوۡفِ بِمَا كَانُواْ يَصۡنَعُونَ (112) And Allah presents an” example: a city which was safe and secure, its provision coming to it in abundance from every location, but it denied the favors of Allah. So Allah made it taste the envelopment of hunger and fear
for what they had been doing.”

Address

Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when KEKY posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share