09/03/2026
Waa part-4 iyo sheekadii sida yurub ay u curyamisay africa lasocd wacan
2. Addoonsiga iyo Gurashada Muruqa
Aadanaha
Ganacsigii addoonsiga ee Badweynta Atlaantigu waxa uu ka mid ahaa hadimooyinkii ugu ba'naa ee
dibudhaca dhalay. Qarniyo badan gudahood, malaayiin Afrikaan ah ayaa laga raafay
degaankoodii, loona daabulay qaaradaha Ameerika si loogu shaqaysto. Tani keliya ma ahayn musiibo bani aadamnimo, se waxa ay ahayd isbeddel dhaqaale oo baaxad leh kaas oo qaabeeyay doorkii ay Afriki ku lahayd dhaqaalaha adduunka.
Muruqa aadamuhu waa seeska horumarka.
Maadaama la qafaalanayay xilligii ay ugu
waxsoosaarka badnaayeen, Afrika waxa la mooraduugay cududdii abuuri lahayd dheefta, xirfadaha isu gudbin lahayd, sidoo kalena sii joogtayn lahayd dhismaha bulsheed. Bulshooyinku waxa ay lumiyeen beeralaydii, xirfadlayaashi iyo madaxdiiba. Gobollo dhan ayay wiiqantay xasilloonidoodii, oo ay rabshad, amni-darro, iyo isu-dheelli-tirnaan la'aanta qaybaha dadweynuhu noqdeen xaalado joogto ah.
Saamaynta ka dhalatay may ahayn keliya hoosudhac bulsheed, balse qaabdhismeedka siyaasadeed ayaa dibuhabayn lagu sameeyay, si ay ula jaanqaadaan dalabyada ganacsigu hoggaanka u hayo. Dagaalladu waxa ay u sii xoogaysteen si ka baxsan dabeecad-dhaqameedkii dadkan, una danaynaysay baahida debadeed ee maxaabiis doonka ahaya. Madaxdu waxa ay si isa soo taraysa ugu tiirsanayeen xidhiidhkii ganacsatada reer Yurub iyo hubkooda, taas oo hannaankii maamul tubta ka leexisay, dhiirrigalisayna xasiloonidarradii. Khayraadkii horumarka gudaha lagu taageeri lahaana, waxa loo leexiyay dhinaca isfurdaaminta iyo hurinta colaadaha.
Isla markaasba, addoomihii Afrikaanka ahaa waxa ay u soo saareen Yurub hanti farabadan.
Cududdoodii waxa ay kor u qaadday dhaqaalihil
beeraha sonkorta, cudbiga, iyo badeecadihii kale ee
lafdhabarta u ahaa dhaqaalaha iyo warshadihii
Yurub.
Raasamaalkiina waxa uu isugu biyo shubtay
dekedaha, bangiyada iyo warshadaha Yurub, halka ay Afrika dhabarka u ridatay riiqda khasaaraha dhaqaale iyo ka bulsheed ba. Ganacsigii addoontu
Afrika waxa uu dhex dhigay nidaam dhaqaale oo caalami ah oo aan loo sinnayn, kaas oo dhalay dhiigmiirasho socotay xataa iyadoo addoonsigii la
joojiyay.