Khaalid Careef

Khaalid Careef “U Taagan Isku-Tashiga Bulshadiisa Dadkiisa iyo Deegankiisa.✋”

25/12/2025

Mawqif Adag iyo Matalaad Dhab ah

Waxaan aaminsanahay in siyaasadda wanaagsan ay ku dhisan tahay adeeg bulsho, wada-tashi, iyo caddaalad. Ma rumaysni siyaasadda ku dhisan dano shaqsiyeed ama koox gaar ah balse waxaan u taaganahay danta guud iyo horumarka deegaanka.

Is-Xogwaraysiga Agasimayaasha Guud iyo Bulshada ku dhaqan degmada Berbera”. Kulankan wuxuu fursad qiimo badan siinayaa s...
20/09/2025

Is-Xogwaraysiga Agasimayaasha Guud iyo Bulshada ku dhaqan degmada Berbera”. Kulankan wuxuu fursad qiimo badan siinayaa shacabka degmada Berbera si ay fikirkooda, talooyinkooda, iyo codkooda ugu biiriyaan qorsheyaasha horumarinta Goblak Saaxil

Maalin Qiimo Leh, Dad Qiimo Leh Iyo Goob Qiimo Leh.Degmada Dubur Waa Hoy Taariikheed, Degaan Qabow Ah Oo Ku Suntan Qabso...
04/09/2025

Maalin Qiimo Leh, Dad Qiimo Leh Iyo Goob Qiimo Leh.

Degmada Dubur Waa Hoy Taariikheed, Degaan Qabow Ah Oo Ku Suntan Qabsoomidda Kulammo Wax-Soo-Saar Leh Oo U Wanaagsan Dhammaan Deegaannadeenna.

Maanta Waxaan Ka Qayb Galay Kulan Qiimo Badan Oo Ka Dhacay Deegaanka Dubur, Halkaas Oo Anuu Ku Yeelanay Shir Dhaqameed Muhiim Ah.

Deegaannada Suuqsade, Dubur, Galooley Iyo Dhammaan Deegaanadayda Waxaan Mar Walba Ugu Taaganahay Si Dhexdhexaadnimo Iyo Daacadnimo Ku Dheehan Tahay.

Waxaan U Mahadcelinayaa Odayaasha Dhaqanka Iyo Bulshada Deegaannada, Kuwaas Oo Ku Hawlan Ka Shaqeynta Danaha Guud Ee Dadka.

Isku Tashiga Bulshadeennu Waa Mid Socda, Maanta Iyo Berri, Iyada Oo Aan Loo Eegin Kuraasta Matalaadda.

Wada-Tashi Bulsho. 🤚

Berbera – >>>>>Albaabka Badda Cas ee AfrikaBerbera waa magaalo xeebeed ku taal waqooyi bari Somaliland, waxayna leedahay...
13/08/2025

Berbera – >>>>>Albaabka Badda Cas ee Afrika

Berbera waa magaalo xeebeed ku taal waqooyi bari Somaliland, waxayna leedahay deked istaraatiiji ah oo ku taalla marin muhiim ah oo isku xira Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Goobtan juqraafiyeed ee gaar ah waxay ka dhigaysaa Berbera mid muhiim u ah amniga iyo ganacsiga Bariga Dhexe iyo Afrika.

1. Goobta juqraafiyeed
Berbera waxay ku dhowdahay marin-badeedka Bab al Mandab iyo waddooyinka muhiimka ah ee shidaalka iyo badeecadaha caalamiga ah, taasoo ka dhigaysa xarun isku xireysa suuqyada Asia, Bariga Dhexe, iyo Afrika.

2. Kaabayaasha cusub
Dekedda Berbera ayaa si weyn loo ballaariyay, iyadoo lagu daray qalab casri ah iyo adeegyo xawaare sare leh. Garoonka diyaaradaha ee Berbera ayaa sidoo kale loo cusboonaysiiyay si uu u noqdo xarun diyaaradeed oo istaraatiiji ah oo taageerta rakaabka iyo xamuulka.

3. Fursadaha ganacsi iyo siyaasadeed
Berbera waxay fursad u tahay ganacsatada doonaya inay gaaraan suuqyada Afrika ee sii kobcaya iyo kuwa Bariga Dhexe. Waxa kale oo ay leedahay muhiimad siyaasadeed oo ku saabsan iskaashiga gobolka, nabadgelyada badda, iyo isku xirka dalalka.

4. Danaha la isu keeni karo (Win-Win)
Horumarinta Berbera waxay faa’iido u leedahay dhammaan dhinacyada ka qayb qaata waxay kordhinaysaa dhaqaalaha maxalliga ah, waxay xoojisaa nabadgelyada badda, waxayna fureysaa waddooyin ganacsi oo cusub oo caalami ah.

11/08/2025

Madaxwaynaha Somaliland waa ku mahadsan yahay go’aanka uu ku ilaaliyay dastuurka, xasiloonida dhaqaale iyo amaanka dalka. Mahadsanid madaxwayne.

06/08/2025

Mujaahid Mohamed kaahin Ahmed Gudoomiyaha xisbiga kulmiye

22/07/2025

Waxaan ugu baqayaaa dowlada maanta joogta in ay si degdeg ah ugusoo celiso suldaanka xoriyadiisa.

Suldaan maydkiisi talaagadda ugu jiro in xadhig loogu daraa xal ma aha.

Suuqsade 2026Waxaanu maanta ka qayb-galnay xaflada Sanad Dugsiyeedka Madaarisadda suuqsade.Alhamdulilah Mahad oo dhan al...
03/07/2025

Suuqsade 2026

Waxaanu maanta ka qayb-galnay xaflada Sanad Dugsiyeedka Madaarisadda suuqsade.

Alhamdulilah Mahad oo dhan alle ayaa iska leh ardayda koreysa usoo dhameeyay hayaan waxbarasho oo bilow ah

Waxaan garabkooda ahaan doona ilaa hayaan dheer oo danbe insha alah.

La Kullanka waalidiinta dhashay ardayda Waxa ay ii tahay Farxad gaara wana ififaalo cusub oo aanu ku wada shaqayn doono.

Odaaysha dhaqanka Shacabka ardayda iyo walidiinta reer suqsade aad ayad ugu mahadsantihiin sida fiican ee aad isoo dhaweyseen.✋

21/04/2025

Waad Ku Mahadsan Tihiin Tixgelinta iyo Taageerada aad ii Muujiseen.

20/04/2025

Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin sxbayaal. Alle ha idin sharfo dhammaantiin.

“Dadkaa geesi lagu yahay”

Address

Berbera

Telephone

+252634240880

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khaalid Careef posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share