15/04/2022
Maansada diir nax
Qiso dhab,ah ayay katurjumaysaa
Iyo dhalaan waayaha iyo waltigu hayo
Waana arin aan xogogaal uahay arinkani
Shere & lake wll isii siay ugaadho soomaali oo dhan
Diir qofkaad wadaagtaan
Misna duruufi haysoo
Aan duunyo haynoo
Udareerin geeloo
Dugsi aan lahaynoo
Danyaraad daraadeed
Duhurkiyo habeenkii
Danka adiga kuupaxa
Dushsha kaadawadaajira
Dulmanahaa agtaadiyo
Daris adiga Kula,ahi
Wax danbiya muugalin
Allehayna deeqdii
Looma diidin eegaro
Waa maalmo duniduye
Dhalaankaa da,diisii
Duruufuhu kareepeen
Aabahood dirays qaran
Ayuu duurla labagalay
Qorina dagtii Saar
Ama dilyaymawdkuyoo
Dayinpaaba oofsaday
Da,daa wiiqdayhooyo
Ama daakiraada orodoo
Docda saarta wiilkii
Da,da uguyaraayoo
Miis suuqa dabadii
Dukaan wayn sidiisii
Dulsaartay alaaboo
Dayn iyo amaahdii
Dadku aylahaayeen
Dalpan waaye dumarkii
Digsigii dhalaankana
Dacalkay ku karisoo
Saxed duufka aantiri
Duhurdabadii kolaytahay
Midka dacalka saarani
Da,da sanadna muujirin
Da,yartaa waxpaahelay
Dhaxamaha daraadood
Duraygiina oof noqoy
Hooyadoodna daawada
Duunyo umay hayn
Sixirbararka dalkuna
Duruufkaluu dhalay
da,yartaa haradkiyo
Dayucuka hadheeyen
Ildarnaatu waxaytidhi
Dawarsada dadkaakale
Dawar kalkay aadeen
Misna daadad soodhece
Gurigiina Kala duul
Dadkii maray tooseen
Daadxoorta lagu arag
Dariskaa isdhaamee
Midka dad uguxiga
Dabaqadaha ka eegyoo
Dawade suduuyahay
Misna Daartay TV
Moobilkiisa daaryoo
Kamirada Kaba duup
Dabuubta intaaleeg
Waxa dadkaygaw usiirsada
Dulucdiyo ujeedkana
Diintay kuyaalaan
Inaan ladacalmarin
Qofka duunyo haynee
Dulmanee gatdana
Darmadiisutaalee
Isdugsada dadkaygaw
Dawladana albaan
Digniin iyo baan
Dadkaygaa ufarayaa
Allena deeqdii
Gidigeen inoomaqan
By;Nuux Abdalle(Abwan Dook)