Profs hibaaq

Profs hibaaq well come new page

19/04/2022
15/04/2022

Xigasho BBC News Somali

Waxay labo sano gudaheed ku noqotay milyaneer !

Magaceedu waa Fadumo Ali waxa dhalay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa ay milkiile ka tahay shirkadda oo ka shaqaysa arrimaha caafimaadka, balse labo sano ka hor waxay ahayd kalkaaliso Cafimaad oo ka shaqeysa isbitaal.

Hadal-haynta ku saabsan gabadhan ayaa warbaahinta qabsatay kaddib markii ay ku guulaysatay abaalmarinta sanadka ee shakhsiyaadka ganacsiga iskood u abuurtay ee waddanka .

Guddiga abaalmarintan bixiya ayaa sheegay in ay Faadumo ku doorteen maadaama ay shirkaddeeda Hoiwa Oy shaqaalaysiisay tiradii ugu badnayd ee dadka qaxootinnimada kusoo galay waddanka, oo ah kuwa caqabadaha ugu adag kala kulma helista shaqada.

Sababta labaad ee lagu doortay waxay ahayd in shirkaddeeda ay shaqaalaha siiso mushaar ka badan midka caadiga ah, iyo in ay xuquuq badan ku helaan goobta shaqada.

"Aqoonsigan billadda la igu siiyay wuxuu muujinayaa in carruurta qaxootiga ah ay awoodi karaan inay guulo ka gaaraan Finland gudaheeda, dadka kalena fursado u abuuri karaan," ayay ku tidhi khudbad ay ka jeedisay xalfladda lagu guddoonsiiyay abaalmarinta.

Muddo labo sano ah oo ay jirtay shirkaddeeda waxay samaysay dhaqaale malaayiin doolar ah, si xowli ahna kor ayay ugu sii socotaa.

Maxay ahayd tallaabadii ay qaadday?

Waraysi ay Faadumo siisay warbaahinta Suomen Yrittäjät ayay ku sheegtay in "markii ay bilaabaysay aasaaska shirkaddeeda ganacsiga ay go'aansatay inay ka tagto shaqadeeda kalkaalisannimo, dadkuna ay aad ula yaabanaayeen, iyagoo u malaynayay inay tahay qof waalan".

Hadda waxaa u suurtagashay inay kobac degdeg ah samayso, shaqaalaheedana waxaa ka mid ah dadka soo galootiga ah ee u baahan garab qabashada.

Shirkadda Hoiwa oo la abuuray 2020-kii waxay labo sano kaddib soo xaraysay lacag malaayiin eros ah.

Hoiwa shaqadeedu waa hannaan ganacsi oo ay kalkaaliyeyaal ugu diraan xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada shaqaalaha caafimaadka raadinaya, sidaasna waxay ugu fududeysaa helista xirfadleyaal la hubo.

Ilaa toban qof ayaa ka shaqeeya xafiiska, liiska shaqadana waxaa ugu jira in ka badan 2,500 oo xirfadleyaal caafimaad ah oo tababaran, dowladdana ka diiwaangashan.

Faadumo oo markii h**e qaxootinnimo ku tagtay dalka Finlad ayaa hadda hoggaamisa mid ka mid ah ilaha shaqo abuurka sameeya ee dalkaas.

13/04/2022

Sidee loo xakameyo dabka somgas ta

xushmee dareenka dadka kale xitaa hadii anysan wax macna leh kula aheyn iyag ayee u tahay wax walbo
06/04/2022

xushmee dareenka dadka kale xitaa hadii anysan wax macna leh kula aheyn
iyag ayee u tahay wax walbo

Address

Hargeisa

Telephone

+3634057706

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Profs hibaaq posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share