30/09/2024
"Cabdiraxmaan Cirro Musharaxii H**e ee Berberi Dooratay Wuxuu Soo Noqday Isagoo Leh, Dakhliga Deegaanka Berbera helo ee (10%) Waa eexasho loo Sameeyey" Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule
"Sidaynu ognahay Craxman Ciro Waxa Baarlamaanka Laga Soo doortay Gobolka Saaxil Taasoo Sabab u noqotay inuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland noqdo Muddo 12 Sano ah, waxay la macne tahay mudadaas wuxuu ahaa ninka Sadexaad ee Qaranka Somaliland, waqtigaasna Craxmaan Xitaa Gobolka Saaxil uguma Soo noqon isagoo xaqiiqada Gobolka jirta u kuur-gelaaya, Maynaan arag isagoo lobbin u Samaynaaya Gobolkii uu ka soo baxay.xitaa il lexejeclo ku eegaya.
Marlabaad Wuxuu fursad u helay craxmaan inuu noqdo Gudoomiyaha Xisbiga wadani, fursadan labaadna k**a dhigin xisbigiisa mid Saaxil laga leeyahay, Deegaanka ugu hooseeyey ee Xusbigiisa ku jiray wuxuu ahaa reer Saaxil.
Waxaa inagaga Soo noqday Craxmaan Xisbigiisa oo noqday halka qudha ee lagaga soo duulo Dakhliga deegaanka Berbera helo ee (10%). Iyagoo ka dhigay dakhli eexasho loogu Sameeyey oo aanay Xaq u lahayn, oo cadaawad u Sameeyey. (2) waxa iyana tii labaad ahayd Markii dekeda Berbera heshay Maal-gelinta imaaraadka, Craxmaan wuxuu iska taagay halkii ay ka taagnaayeen Xukumada muqdisho, wuxuuna Siilaanyo ku eedeeyey Khaainal wadan.(3)Markale intuu inoo yimi ayuu yidhi Berberi way Xanuunsanaysaa Dawadiina hebel baa sida.
Sidaa daraadeed, intaas waxaa inoogu Xigay dhibaatooyin dhacay, oo ka dhacay deegamada ay wada leeyihiin labada beelood. midnaba Maynaan arkayn isagoo si qaranimo ku jirto, ama Deegaanimo ku jirto Xalka ugu raadinaya.
Iminkana waynu aragnaa iyadoo rag badanina la Socdaan Isbedel-doona la Sheegayo.
Ma waxaynu Odhan karnaa inagoo intaasba u soo joognay, wax uu ka garaabayna aynaan arag, wax cad oo kale oo lagu kalsoonaan karaana aanay jirin, Isagiina iminka wax loo yeedhinaayo, ayey wax waliba saxmayaan.
Halyey Hormuud