Azaldhalad design fashion

Azaldhalad design fashion Barashada dawarka oo qaab heer sare ah lagu barayo
👗🧵🪡 iyo xinaha iyo make upka iyo decrtion iyo crochets

27/04/2026

Macalimiinta School-ka Asal Dhalad oo Tababar Model Teaching lagu xoojiyeyMaanta waxaa si guul leh loogu qabtay tababar ...
12/04/2026

Macalimiinta School-ka Asal Dhalad oo Tababar Model Teaching lagu xoojiyey

Maanta waxaa si guul leh loogu qabtay tababar qiimo leh oo ay ka qayb qaateen macalimiinta School-ka Asal Dhalad Tababarkani wuxuu ahaa Model Teaching waxaana si gaar ah diiradda loo saaray sida loo hagaajiyo habka waxbarashada, loo bandhigo casharrada si ardaydu si fudud u fahmaan, loona dhiso xirfadda macallinka ee gudbinta iyo kormaridda waxbarashada.

📌 Tababarkan wuxuu ka caawiyay macalimiinta:
✅ In ay bartaan una sii xoojiyaan habka “model” ee casharka (tusaale-falgareed iyo tilmaamid)
âś… In ardayda casharka si firfircoon uga dhigaan (ka-qaybgal iyo faham)
✅ In casharrada loo qorsheeyo si nidaamsan, u caddaan, una waafaqsan da’da iyo heerka ardayda
âś… In la helo habab lagu qiimeeyo fahamka ardayda lana saxo khaladaadka goor h**e

🤝Gaar ahaan, waxaan si aad ah ugu mahadcelinayaa macalinka na siiyey Tobabarka, macalin Abdi Rahmaan Sameeco
Macallin Abdirahman waa macalin khibrad iyo waayo-aragnimo dheer leh, isla markaana muddo dheer ku shaqaynayey macallinimo. Waxaad dareensiisay ka qaybgalayaashii tababarka aqoon, dulqaad, iyo sida xirfadda loo gudbiyo—taas oo runtii mudan in la ammaano.

📚 Waxaan sidoo kale bogaadinaynaa dhamaan macalimiinta ka qayb qaadatay tababarkan dadaalkooda iyo wadashaqayntooda. Tababarkan maanta ma aha kaliya hal maalin—waa tallaabo weyn oo lagu dhisayo waxbarasho tayo leh mustaqbalka ardaydeena.

🌱Wadajir baan horumar sameyneynaa—Ardaydeena mustaqbalkooda ayaan u diyaarineynaa.

Mahadsanidiin dhamaan ka qayb qaatay, gaar ahaan macalinka qiimaha badan **Abdirahman SameecGuul iyo horumar ayaan idin wada rajeyneynaa!💪📚

26/01/2026

19/12/2025

Shuruudahan buuxi si aad free ugu heshid fursadsn

Like an flow
Share our page
Qabso number inta u dhaxaysa 28—— 200

08/12/2025

Ardayda u fadhiistay examka dawarka
08/12/2025

Ardayda u fadhiistay examka dawarka

08/12/2025

school

20/10/2025

Habeenkii Qalinjabinta Dufcadii Kowaad Ee Schoolka

Hambalyo Dhamaan Ardayda

Mahadnaq iyo BogaadinAnigoo ah Sakhia Deeq Ismaaciil, Aasaasaha iyo Maamulaha Dugsiga Xirfadaha ee Asal-Dhalad School De...
18/10/2025

Mahadnaq iyo Bogaadin

Anigoo ah Sakhia Deeq Ismaaciil, Aasaasaha iyo Maamulaha Dugsiga Xirfadaha ee Asal-Dhalad School Design, waxaan halkan uga mahadcelinayaa dhammaan martidii qiimaha lahayd ee ka soo qayb gashay xafladdii qalin-jabinta ee ardayda dugsigeenna, taas oo xalay lagu qabtay Hall-ka Hay’adda Shaqaalaha Qaranka.

Xafladdaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ay 200 arday si rasmi ah u soo afmeereen kalkoodii koowaad ee waxbarashadooda xirfadeed. Waxaa farxad weyn noo ahayd in ku dhawaad 90% qalin-jabiyeyaasha ay ahaayeen Hablo, taasoo mar kale caddaysay doorka muhiimka ah ee dumarku ka qaadanayaan horumarinta xirfadaha iyo hal-abuurka bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa dhammaan masuuliyiintii iyo marti-sharaftii na garab istaagtay, oo ay kamid yihiin:

Commissioner Sakariye Abdirahman Ismael Carraale – Xubin sare oo ka tirsan Hay’adda Shaqaalaha Qaranka
Marwo Nadra Ali Qafil – Xubin sare oo ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka
Mudane Ahmed-Badri Hassan Muhumed – Maamulaha Guud ee Hargeisa Technical School ahna Guddoomiyaha Dalladda Dhalinyarada SONYO
Mudane Mohamud Abdi Hassan “Govinda” – Guddoomiyaha Degmada Ahmed Macalin Haaruun Ahna Musharax Xildhibaan.
Mudane Musharax Xildhibaan Hassan Abdilahi “Hassan Toosane”
Mudane Hassan Abdilahi “Hassan Ustaadka” – Afhayeenka Guud ee Xisbiga Kaah
Mudane Mustafa Mohamed Omer “Jeego” – Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Waddani
Mudane Abdihakem -Agaasimaha Cuddada shaqaalaha ee wasaaradda Diinta & Awqaafta.
Ustaad, Proff Shucayb Cabdirahmaan
Iyo sidoo kale macalimiinta, professors-ka, masuuliyiinta wasaaradaha, iyo wakiillada xisbiyada kala duwan ee munaasabadda soo sharfay.

Sidoo kale Mahadnaq gaar ah ayaan u dirayaa waalidiinta, ardayda iyo dhammaan bulshada nagu taageertay dadaalka aan ugu jirno kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada, si gaar ahna hablaha Soomaaliyeed ee doonaya mustaqbal ifaya.

Ugu dambayn, waxaan Alle uga baryayaa inuu na waafajiyo sii wadidda himiladeenna ee ah in Asal-Dhalad School Design noqdo goob iftiin iyo rajo cusub u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.

Mahadsanidiin dhamaantiin.

— Sakhia Deeq Ismaaciil

Aasaasaha & Maamulaha Asal-Dhalad School Design.

17/10/2025

Address

Hargeisa

Telephone

+252634747051

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Azaldhalad design fashion posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Azaldhalad design fashion:

Share