20/07/2026
Siyaasaddu waa habka lagu hago bulshada iyo dalka, si loo ilaaliyo caddaaladda, nabadda iyo horumarka. Siyaasad wanaagsan waxay horseeddaa dowlad hufan, adeegyo tayo leh iyo fursado ay muwaadiniintu si siman uga faa'iideystaan.
Muwaadin kasta wuxuu door muhiim ah ku leeyahay siyaasadda, isaga oo u hoggaansamaya sharciga, ka qayb qaadanaya arrimaha bulshada, isla markaana si xor ah oo masuuliyad leh u dhiibanaya codkiisa iyo aragtidiisa.
Maanta waxaa horyaalla muwaadiniinta fursad ay muddo dheer sugayeen, taas oo ah in ay codkooda si xor iyo xalaal ah ugu doortaan cidda mataleysa.
Sidaas darteed, waxaan ugu baaqeynaa shacabka ku nool caasimadda Dhuusamareeb iyo guud ahaan reer Galmudug inay codkooda siiyaan Xisbiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed, si ay uga qayb qaataan dhismaha mustaqbal wanaagsan.
Xisbigeennu wuxuu door muuqda ka qaatay:
Horumarinta bulshada iyo deegaanka.
Wacyigelinta bulshada.
Xoojinta nabadda iyo isdhexgalka bulshada.
Nadaafadda iyo bilicda deegaanka.
Waxaan si buuxda u taageersanahay hannaanka doorashooyinka dalka, waxaana diyaar u nahay inaan ka faa'iideysanno fursaddan si aan ugu adeegno bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaan aaminsanahay dib-u-dhiska dalka, adkeynta midnimada iyo nabadeynta shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan nahay Xisbiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana ugu baaqeynaa shacabka Galmudug inay codkooda ku taageeraan xisbiga, si wadajir loogu dhiso Galmudug iyo Soomaaliya nabad ah, horumarsan, isla markaana caddaalad ku dhisan.mahadsanidin