Warar Kooban

Warar Kooban Kabo dumar iyo kuwa ragba waad naga helaysaa. Fadlan nala soo soco. Waxaan idin la wadaagi doonaa wararka Soomaaliya iyo kuwa caalamka oo kooban.

Madaxwayne xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa hadda hadlaya si uu iskaga difaaco eedaymaha loo haysto ee laga keenay m...
08/10/2024

Madaxwayne xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa hadda hadlaya si uu iskaga difaaco eedaymaha loo haysto ee laga keenay mooshinka xilka looga qaadayo. Waa saamayntiisii u danbaysay maadaama xildhibaanada Kenya go'aankoodu meel yaallo. Aan aragno.

Kenya waxay maanta u badan tahay in karkaarka la waydaarin doono madaxwayne xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo ay isjiir...
08/10/2024

Kenya waxay maanta u badan tahay in karkaarka la waydaarin doono madaxwayne xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo ay isjiireen madaxwaynaha dalka William Ruto.
Dooddii u danbaysay ee mooshinkiisa ayaa ka socota gudaha xarunta baarlamaanka, waxaana isaga uu hadli doonaa (Gachagua) oo fursad la siin doonaa galabta 5-ta galabnimo.
Haddii aqalka baarlamaanku tuuraan, waxaa loo gudbin doonaa golaha senate-ka oo looga baahan yahay inay ansixiyaan xil ka qaadistiisa, markaas oo uu si rasmi ah xilka u weyn doono.

Haddii ay dhacdo in la tuuro, wuxuu noqon doonaa madaxwayne xigeenkii ugu horreeyey ee mooshin xilka looga tuuro tan iyo markii dadka kenyaanku samaysteen dastuurka cusub ee sanadkii 2010-ka.

Wixii soo kordha halkaan kala soco.

Boqorka Sacuudiga Salmaan  Bin Cabdul Casiis ayaa qalliin lagaga dawaynayo caabuq ka haleelay beerka, sida ay ku waranta...
07/10/2024

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdul Casiis ayaa qalliin lagaga dawaynayo caabuq ka haleelay beerka, sida ay ku warantay maxkamadda sare ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Boqorku waa 88 jir ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsanayn waayadaan danbe iyadoo oo aan aad loogu arkin fagaarayaasha taliska Boqortooyada.Waxaa 202 kii laga daweeyey barar ka haleelay kaadi haysta isagoo maray qalliimo dhowr ah.

Boqor Salmaan ayaa xilka haya tan iyo 2015 kii markaas oo uu geeriyooday Boqor Cabdalla Bin Cabdulcasiis oo ay walaalo ahaayen. Waxaa howlaha boqortooyada kala wada waayadaan wiilkiisa ka sii fara baxsanaya saamaynta reer Galbeedka ee Maxamed Bin Salmaan.

03/08/2024

Abwaan Timo Cadde maanta hadduu joogi lahaa muxuu ka oran lahaa dilalka iska socda ee aan loo aaba yeelayn dadkii. gabayga hoose waa mar uu Soomaalida qabyaalada uga digayey;

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daa'in keenaye
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

Hadalka Ina Cabdishakuur ee shalay  dhowr qodob baa iiga baxay;1. Inuu bilaabay mucaaradnimadii lagu yaqaan dadka hanka ...
04/06/2024

Hadalka Ina Cabdishakuur ee shalay dhowr qodob baa iiga baxay;
1. Inuu bilaabay mucaaradnimadii lagu yaqaan dadka hanka leh doorashada soo socota.
2. Caddaynta macno darada baarlamaanka uu ka tirsan yahay oo uu arkay labo sano iyo dheeraad inuusan meesha Baarlamaan la sheego ka jirin.
3. Doorashada la dhici doono oo uu sii iftiimiyey.
4. In madax baarlamaanka ka tirsan lagu laaluushay dhul hanti dadwayne.
5. Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo uu sheegay inay fashil ku socoto. Waa wasaaradda uu hoggaamiyo Mr 1991 oo la oga sidii foosha xumaa ee ay wax u wada mucaaradi jireen.
6. Madaxwaynaha oo uu ku eedeeyey in dowladdii uu qoys yar oo kooban ka dhigtay. Tolow ma hadduu arkay foolxumada odaygy waday labo sano iyo dheeraad.

Sideedaba siyaasiga Soomaaliga ah marka doorasho soo dhawaato buu caqli yeeshaa, inta kale waa damman aan waxa hareerihiisa ka socda ka war qabin. Inta uu shalay ku eedeeyey odayga waxaa uu bilaabay markii uu xilka la wareegay maxaa hadda tusiyey oo uu intaas u arki waayey.

Suuratu Huud igu soo orod maaha.Xalay imaamkaagii meeqa jeer laga fujiyey?Yuunus ayaa iyana lamid ah. Aniga masaajidkii ...
22/03/2024

Suuratu Huud igu soo orod maaha.
Xalay imaamkaagii meeqa jeer laga fujiyey?
Yuunus ayaa iyana lamid ah. Aniga masaajidkii aan ku tukaday dhowr mar bay dhuunta u galeen imaamyadii.

Waa dadka isniinta soomay. Haddii aad talaado bilowday, caawa ka warqab taaawiixda.

SOONQAAD WANAAGSAN.

24/06/2023

Bitcoin ayaa kor u dhaaftay 30kun oo doolar.
30,651 doolar ayey maraysaa.

21/06/2023

Saddex hay'adood kaliya ayaa 21 Million doolar cunay.
Tuugo baa rabta inay dowlad noqoto mana dhacayso.

18/07/2020
https://youtu.be/7UBHdXWU4Dg
18/06/2020

https://youtu.be/7UBHdXWU4Dg

Muuqaalkaan waxaan uga hadlaynaa Toddobo faa'idooyin oo uu safarku leeyahay. Fadlan daawo oo ii reeb wixii talo iyo tusaale ah. Igala soo xiriir: Email: sici...

05/05/2020

Wuu soo noqonayaa boggan.

Ha moogaan.

Address

Sixth Street, Eastleigh
Nairobi
00610

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warar Kooban posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category