30/04/2020
Xabad sawdada Cudur waliba daawo ayey u tahay, cilmiga cusubna wuxuu sugayaa iney siyaadiso difaaca jirka, hadii la isku badiyo waxay sababtaa cuduro halis ah sida kansarka iwm.
Hadii ay sidaasi tahay Sidee loo cunaa? Iyadoo sideeda ah miyaa lacuni mise iyadoo lashiiday mise saliideeda lacabi?!! Mise qof waliba siduu doono ayuu u cuni?!
Qaandada weyn jismiga wey ka badan tahay
Culamada ku taqasusay acshaabta waxay leeyihiin waxaad isticmashaa 24 saac qaandada yar midda shaahiga lagu qasto ee ma'ahan midda canbuulada lagu cunno midda yar oo shaahiga lagu qasto ama far iyo suul.
Isticmaalka u wanaagsan xabad sawdada waa in afka aad ku shubta kadibna aad calaaliso, dadka qaar sideeda ayey ku laqaan iyadoo lacalaajin taasi waa khalad, biyo ama shaah ama qaxwo ayey ku laqaan iyadoo lacalaalin taasina waa khalad, qashirkeeda saliloos ayaa ku jira sililoosnna macidadeyna(calooshena) mashiidi karto.
Adhibada farmashiyada dhibiga acshaabta wey duraan, maxaa yeelay? Acshaab waliba waxay leedahay sun, qiyaastii lagu talagalay hadaad gudubto sun bay isku bedeli.
Maalmahan dadka badankooda waxay ku dadaalayaan sidii ay u siyaaadin lahaayeen habka difaaca jirkooda, waayo Covid19 sida lasheegay wuxuu labaxaa qofka habka difaca jirkiisa uu yar yahay , sida la'ogyahayna xabad sawdada waxay ka mid tahay waxyaaalaha siyaadiya difaaaca jirka si khaldan hadaad u isticmaasho iyada ayaaba ku dileysaba.
F.g
Acshaabtaan hoos ku qoran oo dhan waxay siyaadiyaan difaaca jirka lakiin hadaad si khaldan u isticmaasho waxay kugu sababayaan in kansar jirkaada kudhaco.
Xarmal, xubuub kitaan, qarfa, karkum, zactar, xabatu sowdaa, xabatu rashaad, karwiya, shamra, xulbo.
Source: Abukar sh. Mukhtar