Tv Ga somali star

Tv Ga somali star Ku soo dhawada tv ga somali star gacmo furan wixii raa'iyi eh nambarka kaan nogu soo dira

08/07/2021

QISO CAJIIB AH OO CIBRI QAADASHO MUDAN.

Nin baa u yimid Cumar bin Khadaab RC, Ninkaa wuxuu watay Wiil Yar, Cumar ayaa yiri waxaan arkay Maanta wax Yaab leh, waligey ma arag Nin Cunigiisa saan ugu Eg yahay, markaasuu Ninkii yiri:- Cumaroow Ma Ogtahay Wiilkaan inay Hooyadiis ay Dhashay iyadoo Meyd ah.

Markaasuu Cumar RC, intuu Fadhiga badelay ku yiri:- Iiga Sheekee sidee u Dhashay ayadoo Meyd ah.
Ninkii wuxuu yiri:- Wiilkaan isagoo Caloosha Hooyadii ku jiro ayaa Safar i soo Galay, markaasay Hooyadii tiri:- Halkee nooga Tageysaa anoo Xaamil ah oo Dhali rabo? Haddaba, markaan Albaabka Guriga ka baxayey ayaan Caloosheeda Gacanteyda saaray oo aan ku iri:- ILAAHOOW ADIGAAN KUGU AMAANEYSTAY WIILKEYGA. intaas ka dib ayaan Safarkii u baxay.
.. Haddaba, markaan Safarkii ka soo laabtay, ayaan imid Gurigii oo Xiran, ka dib Deriska ayaa ii sheegeen iney Xaaskeyga Dhimatay, ka dibna waxey ii keeneen Casho, anoo Cashadii cunaaya ayaa waxaan arkay Qiiq meel ka baxaayo, kolkaas ayaan Dadkii weydiiyey, waxaana ay ii sheegeen, inuu Qiiqaasi yahay Qabriga Xaaskeyga, iyagoo weliba ii sheegay maalintii la Aasay ilaa iminka inuu Qiiqaasi ka socdo Qabrigeeda.

Wallaahi inaan Dadka oo dhan uga Aqoon badanahay, inay ahayd Qof Taqiyad, Saalixad, Soon badan oo wixii Xun Reebta, wixii Sanna dadka Sarta ayey aheyd, kolkaas ayaan Dadkii ku iri:- Soo baxa i Raaca aan soo arkee, waan soo baxnay markaan Qabrigii imaanay ayaan ku bilaabay inaan Qodno, markaan Qodnay mise waxaan aragnay Xaaskii oo Meyd ah oo Fadhisa iyo Wiilkii oo Ag fadhiya, ka dib ayana maqlay Cod i leh:- KII AMAANADA ILAAHEEY U DHIIBTAYOOW QAADO AMAANADAADA.

Culimadu waxay yiraahdeen hadduu Dhihi lahaa Illahow Wiilkeyga iyo Hooyadiis ayaan kugu Amaaneystay, ayadoo Nool buu ugu Imaan lahaa laakiin Qadarka Allaah ayuu ahaa inuusan sidaa Dhihin oo Waqtigeeda ayaa intaa ku Ekaa.

HA ILOOBIN WALAAL INAAD SHARE GAREYSO

▂ ▃ ▅ ▆ █ █ ▆ ▅ ▃ ▂

24/01/2021
17/01/2021

Markaad dhimato Waxaa La Wariyay in Ruuxdaada ay Ku sii baaqi ahaan doonto Jirkaaga dhinaciisa, Sida Barkintada hoosteeda iyo Sariirta hareeraheeda Waa goormee .? 😭

Waa Marka Lagu dhaqayo iyo Marka Lagu kanfayo Labadaba.

Marka Lagu soo duugo Ruuxdaada Waxeey Dib Ugu Soo Laabaneysaa Jirkaaga Ka dib Marka Qabriga Lagu soo dhex jiifiyo lagana soo tago 😭😭😭😭.

Marka Lagaa Soo Laabto Ka dib Waad Soo Tooseeysaa Sida Qof Hurdo Ka Soo Kacay Camal Waxaa La Sheegaa in Aad Sadax Mar Oo isku Xig Xigto Aad isku dayidoontid inaad soo fadhiisato Qabriga dhexdiisa.

Ka dib Waxaad Arkeysa Mugdiga Ka jiro godka qabriga dhexdiisa , Lkn Mar Walba Oo Aad damacdo inaad madaxa Kor U soo qaado Darbiga Qabiga ayaad Madax Ku dir dirsaneysa

Marka Aad Aragto Xaaladaada in aysan Caadi aheeyn ayaad Rumeysan doontaa inaad ka mid tahay Ehlu-meytka Asxaabul Qabuurka Meesha Ku Cusub Caawa.

Wax yar Ka dib Waxaa Kuu imaan doona Labadii Malag Ee kala ah Munkar iyo Nakiir Kuwaa Oo Loo Wakiishay Kaliya In ay Qabriga dadka Ku su"aalaan Sadax Su"aalood.

Waxa ay Ku Weeydiin doonaan Ma aha Baasaboorkaa dhalashadada Ama Lacag iyo Maal , Ee Kaliya Waxa ay Ku Weeydiin doonaan Xagga Rabbigaa Diintaada Rasuulkaaga (SCW)

Labo Mid ayaad Noqon Mid ka Jawaaba Oo liibaana Ama Mid Ku dhaca Oo khasaara 😢

Ka dib Waxaa Laguu Wadayaa Goob lagu magacaabo Xayaatu-barzaq Waxeey leedahay goobtaa labo albaab Mid Waxa Uu Ku sii jeedaa janada
Mid ka Kale isagane Waxaa Uu Ku Sii jeedaa Xaga jahanamo Halkaas ayaad Ku sugi doontaa Xisaabta iyo isa Soo bixinta Qiyaamaha.

Markaa ka dib Labo Meel mid ayaad Aadi Ama janno Ama Naar Allah Naga badbaadiyee

Sido kale Maalmaha Qaar Waxaa ku soo booqan doona qaar Ka Mid ah qaraabadada iyo Asxaabtaada

Waxaa la Wariyaa in Uu Malag Kuu imaan doona Kuguna Wargelin doona in Qof Ehelkaaga ah Ku soo Salaamay Waxaa Uu kugu Oranayaa, Waxaa Kuu imaaday Wiikaaga ama Hooyada Ama Gabadhaada Ama Xaaskaaga.

Ruuxdaada Weey Ka Soo baxeysaa godka Qabriga Waxeey soo Koreysaa buurka Sare Ee Carada Qabriga , Waxeey rabtaa in ay dhageeysato Waxa Uu dhihi doona qofka imaaday Ee Soo Booqdaha ah.

F: G: Waxaan jecleystay inaan Nafteeyda iyo Naftaada geerida Xasuusiyo si Aan Uga towbad keeno Dambiyada aan galeyno Wll mcn

-Dhamaanteen Allah Noo dambi dhaafo
- Khaatumada Allah Noo hagaajiyo Aamiin dheh 🤲

Hadaba Waan Ku soo gaarsiiyay Dacwadan Adigane Allah dartiis U faafi Nabiga scw scw
Waxa Uu yiri " بلغوا عني ولو كان ءاية "

Nabigeena Mohamed SCW Ayaa La waydiyay suaal ah Haween Midee ugu Qayr Badan ? Waxaa uu Ku jawaabay xabiibkena NNKH sadde...
07/01/2021

Nabigeena Mohamed SCW Ayaa La waydiyay suaal ah Haween Midee ugu Qayr Badan ?

Waxaa uu Ku jawaabay xabiibkena NNKH saddex astaamood midii Laga Helo ayaa Ugu Qayr Badan.

1 Waa Mida Sawjkeeda Marka uu eego Farax Galisa
☑ Wa ay Qanaaco Galisa Wajigeedana muxibo iyo Wanaag aya ka muuqda markasay Farax galinaysaa .

2 Mida Markii uu Amro adeecda
☑amaradiisa Waa ay Fulisaa oo Waa ay adeecdaa Sawjkeeda.

3 Waa Mida Aan Ku Qilaafin Nafsadeeda iyo Maalkiisa
☑ Maalka Sawjkeeda Waa ay ilaalinaysa Si Lamid ahna Wiixi iyada Uu Ku dhibsanaayo Waa ay Ka tagaysaa.

Lasii Wadaaag Saaxiibadaa
🥰🙏share
saar pagekan👍

Ragga daacadda waxay leeyihiin hab gaar ah oo ay kugu tusaan inay ku jecelyihiin. Wax kastana si wanaagsan ayay u sameey...
13/12/2020

Ragga daacadda waxay leeyihiin hab gaar ah oo ay kugu tusaan inay ku jecelyihiin. Wax kastana si wanaagsan ayay u sameeyaan.

Qof kasta marka uu xiriir la yeelanayo qof kale gabar ama wiil, wuxuu iska dhigaa qof wanaagsan oo noqon kara lamaane mustaqbal, laakiin qiyaanada ayaa badatay muddooyinkaan dambe iyadoo rag iyo haween badan ay wax caadi ah ka dhigteen.

Halkaan ka akhriso waxyaabaha ay sameeyaan ragga daacadda ah.

Ilaalinta ballamaha

Run ahaantii waxaa jiraan rag badan oo dabeecad ay u tahay been iyo ballan kabax arrintaas oo ah mid aanan wanaagsaneyn.

Wax waliba waxaa kaaga fudud inaadan qaadin ballan aad ogtahay inaadan hadhoow ka bixi doonin.

Si kastaba, waxaa sidoo kale jiraan rag badan oo ilaaliya ballamaha isla markaana og culeyska ay leedahay qaadista ballan, sidaa darteed, ninka daacadda ah wuxuu ilaaliyaa eraygiisa marka uu ballan sameeyana ama qaado dhib kasta ayuu maraa si uu ballantaas u oofiyo.

Sir ma jirto/waxba ma qariyo

Siraha ama waxa la qariyo waa kuwo burburiyay guurar badan. Ninka daacadda ah wuxuu kuu sheegaa wax kasta, ha xumaadaan ama ha samaadaan si uu uhubiyo inaadan waxba kala qarsan labadiina.

Haween kale kulama shukaansado

Haddii aad tahay gabadha kaliya ee uu jecelyahay, adiga kaligaa ayuu kula haasaawaa. Ma dhacdo inuu haween kale kula shukaansado. Ragga daacadda ah waa kuwo yaqaan waxyaabaha xad kabaxa ah iyo xaaladaha horseeda qiyaanada.

Qirashada qaladaadkiisa

Wuu qirtaa qaladaadkiisa wuxuuna ka bixiyaa raalligelin marka uu qaldanyahay. Ninka daacadda ah ee wanaagsan waa mid meel iska dhiga kibirka iyo islaweynida.

Wuxuu isticmaalaa “anaga”

Waxaad qeyb ka tahay mustaqbalkiisa mana sameeyo go’aanno muhiim ah adiga la’aantaa. Ninka daacadda waxaad qeyb ka tahay qorshayaashiisa muhiimka ah wuxuuna kaala tashadaa go’aanada muhiimka ah kahor inta uusan tallaabo qaadin.

07/12/2020

waa qoslay my fans liicato biriq maku dhagtay mise aqiro loogu wacay 😂
ASAD HAGIO lee waxan leeya aaaaaaah maka danbeesey 😂😂😂😂😭



😁😁😁😁😁😁

28/11/2020

The early peoples of somalia 1950

Shaqada aad ka qaadato mushaar yar ee aad subixii aaddo adiga oo dhibsanaya oo ka caga-jiidayo, waxay shaqo-fiican la ta...
27/11/2020

Shaqada aad ka qaadato mushaar yar ee aad subixii aaddo adiga oo dhibsanaya oo ka caga-jiidayo, waxay shaqo-fiican la tahay kummanaan qof oo shaqo la'aan ah, oo subax kaste raadiya meel ay ka ay shaqeystaan.

Guriga aadan muuqaalkiisa ku qanacsaneyn ee aad degantahay, wuxuu riyo u yahay dad badan oo ku nool kaamamka iyo kuwo aan heysan meel ay hoydaan.

Biilka kula yar ee ninkaagu bixiyo wuxuu miisaaniyad fiican la yahay kummanaan qoys oo habeenkii seexdo iyaga oo aan meel ku ogeyn quraacdooda berito iyo masaakiinta ay gaajadu ku qasabtay inay tuugsadaan.

Haweeneyda aad nolosha-wadaagtaan adiga oo aan ku qanacsaneyn, waxay raaliyo la tahay boqolaal nin oo mid kasteba uu la noolyahay haweeney mixnad ah.

Haddii aad qoraalkaan akhrineeyso adiga oo caafimaad qabo, waxaad ka nasiib badantahay malaayiin qof oo Indhool ah, kuwoo xanuunsan, iyo kuwa aan akhriska aqoon; haddiina aad caawa caafimaad ku seexaneeyso guri aad leedahay ama aad iska bixin kartid kiradiisa, aadna meel ku ogtahay wixii aad berito cuni-laheed, iyo shaqo aad berri-subax u kallahdo, waxaad ka nolol fiicantahay malaayiin qof oo jecel in ay heerkaaga oo kale Xuse gaaraan, ee inta aadan ka fikirin waxa kaa maqan, Alle ku shukri nicmada weyn ee aad maanta heysato.
Alxamdulillaah❤ Alxamdulillaah❤ Alxamdulillaah❤

Hadaad Ka Heshay La Wadaag
Asxaabtaada Kale,

Share dheh

Page ka like saar

Ninka Xaaskiisa U Sameeya 24-taan Arimood Waa Ninka Xaaskiisa U Noqdo Boqorka ay Dunida Ku Leedahay Ka Faa'iideyso.1-Xil...
20/11/2020

Ninka Xaaskiisa U Sameeya 24-taan Arimood Waa Ninka Xaaskiisa U Noqdo Boqorka ay Dunida Ku Leedahay Ka Faa'iideyso.

1-Xiliga aad guriga dib ugu soo laabato ugu
h**eyn raadi halka ay ku jirto deedna xabadka
geli (Hab sii).

2-Si fog uga wareyso xaaladda maalintaas ay
ku dhameeysatay, su`aalo badan ka weydii
hadii ay jiraan wax ku soo kordhay maalintaasi.

3-Xoogga saar oo samee in aad la muragooto
xiliga ay xanuunsaneyso ama dhib kale
dareemeyso.

4-Dhunko(Shumi)macasalaameey xiliga aad
guriga ka baxeyso.

5-xabadka geli(Habsii) ama qoorta qoorta u saar ugu yaraan afar jeer maalintii.

6-waan ku jeclahay ku dheh ugu yaraan
maalintii laba jeer.

7-u mahad celi marka ay howl ku sameyso
ama kuu qabato.

8-xiliga ay cuntada kuu diyaarineyso ammaan
habka wax karinteeda.

9-ku boori oo u muuji mar waliba in aad la
dhacsan tahay muuqaalkeeda.

10-Alaabtada muhiimka kuu ah adiga
hagaajiso ha ka sugin in iyada uun ay kuu
sameeyso.

11-Hadii maalin ay daalan tahay ama
mashquul ay tahay saacideey oo howsha laqabo ama qabo sida in aad caruurta aad iskuulka u kaxeeyso,
ama guriga hagaajisid ama cuntada.

12-Xoogaa nasasho ula bax banaanka
magaalada iyadoo caruurta idinla socon.

13-La soo hadal adiga oo shaqo ku maqan
weydii xaaladeeda xitaa hadaad wax kale
weydo ku dheh oo u muuji waan ku Jeclahay oo waa kuu xiisay.

14-Xiliga aad guriga ku soo laabato oo aad
aqrisaneyso wargeys ama Tv-ga daawaneysid
sii ugu yaraan 15-daqiiqo si aad iyada uga
dhageysato warka.

15-Marka aad la hadleyso gacantaada saar qeyb ka mid ah jirkeeda sida gabarka ama
dhabarka.

16-la soo hadal oo ku war geli hadaad
maalintaasi soo dib dhaceeysid oo aadan
imaaneyn waqtigii aad Guriga tagi jirtay.

17-Marka aad safarka magaalada ka baxsan aad galeeyso la soo xariir una sheeg inaad si nabad ah ku gaartay magaalada aad dooneysay isla markaana sii Taleefanka lagaa heli karo.

18-U qorshee maalmo aad magaalada u
baxeysaan, hana dhibsan hadey ay soo
dahaado sida haddii ay labiska ku soo daahdo
ha ku oran naga dhaqso waan daahnee.

19-Waxa u baahan in la soo sameeyo ee guriga yaal ama la doonayo in la keeno liis ku qoro isla markaana keen haka sugin in iyadu ay kugu soowar geliso..

20-Kaga nixi Hadiyado yar xiliyada qaarkood
sida tiro ubaxyo ah, Shukalaato ama
macmaanka noocyadiisa kala duwan ee ay
Haweenka jecel yihiin ama wax kale oo ay u
baahan tahay sida wax lagu xasuusto
munaasabadii guurkiina, ama dhalashada.

21-Hadey ay xanuunsan tahay weydii
xaalkeeda mar waliba oo garabkeeda noqo, isla markaanaa xasuusi xiliga ay daawada isticmaali laheyd si aysan u
iloobin.

22-Xiliga jiifka ama hurdada haka dib dhicin
oo hal xilli la gal sariirta.

23-Haddii ay wax ku weydiisato ka diid ama ka ogalaaw laakiin ha canaanan oo haku qaylin oo erayo shucuur kale ku reebaya haku oran.

24-Haddii aad dhaawacdo shucuurteda is bar
bar taag oo ku dheh wan ka xumahay
dhaawacaan kuu geeystay, kana aamus una
daa in ay fahanto shacuurta ka muuqata.

Fariintaan waxay ku socotaa Ragga Amaanta kala duldhacay hablaha Tigreega ah ee xaaslayaasha u badan.

Ogoow Hablaha Soomaaliyeed ee aan isku isirka nahay wax gaara Dunida kuma Noola❤️😇🙌.

Hablow qormadan idinkaa iska leh, kamuuqda oo ❤️ iyo hakala bakhaylina.

Hadaad tahay walaal ku cusub boggan, nagula soo biir si aad ula socoto qormooyin iyo muuqaalo xiiso badan.

Xasan Maaddey oo aabbe isaga dhigaya Xabiibo oo bil kasta u soo dirto $350 iyo aabbaheed Xasan Aadan oo Muqdisho ka tuug...
14/11/2020

Xasan Maaddey oo aabbe isaga dhigaya Xabiibo oo bil kasta u soo dirto $350 iyo aabbaheed Xasan Aadan oo Muqdisho ka tuugsado ayay shalay sheekadu noo mareysay.

Xabiibo wiil ayay guur isku fahmeen, waxayna la soo xiriirtay Xasan Maaddey oo wilaayada ku wareejiyay Hanad oo ay la nooleed. Sidaas ayaana loogu mehriyay.

Sanadku waa 2008. Shariifoow oo ahaa oday reer Qoryooley ah ayaa maalin xawaaladda gu soo galay Xasan Maaddey oo lacag ka qaadanaya, wuxuuna arkay in qofka lacagta u soo dirtay ay tahay Xabiibo Xasan Aadan, wuuna ogaa in ay gabar ka maqneed Xasan Aadan. Wuxuuna warkii u sheegay Xasan Aadan.

Oday Xasan Aadan wuxuu tegay xawaaladdii, waxaana qaabilay Cabdirisaaq Maxamed Axmed oo dhacdadaan iiga sheekeeyay. Xasan Aadan wuxuu Cabdirisaaq u sheegay shakiga ku jiro, Cabdirisaaqna wuxuu Xasan Aadan waydiiyay magaca iyo qabiilka ninkii gabadha ka watay. Nasiib-wanaag, Cabdirisaaq wuxuu aqoonsaday Hanad oo ay qaraabo dhow noqdeen.

Cabdirisaaq wuxuu wacay Hanad, wuxuuna u sheegay dhibka taagan. Hanad wuxuu codsaday in loo soo diro sawirka Xasan Aadan, waxaana laga sawiray wejiga h**e iyo labada dhafoor. Hanad wuxuu sheegay in ay u badan tahay in uu ninkaanu yahay Xabiibo aabbaheed, wuxuuna dalbaday in lala hadashiiyo.

Isbariidin kadib, Hanad wuxuu Xasan Aadan ka codsaday in uu ka sheekeeyo wixii dhex maray maalinkii uu Xabiibo kala wareegayay. Xasan Aadan wuxuu ka sheekeeyay goobtii, goortii iyo qaabkii ay gabadha ugala wareejiyeen, iyo baabuurkii ay wateen. Wuxuuna tilmaamay gurigii ay ka degnaayeen Muqdisho oo uu ku soo booqday waagii ay gabadha ka soo wateen.

Hanad wuxuu codsaday in la siiyo hal asbuuc si uu baaritaan kale u soo sameeyo. Wuxuu wacay Xasan Maaddey oo iska dhigi jiray Xabiibo aabbaheed, wuxuuna waydiiyay isla su’aalihii uu waydiiyay Xasan Aadan. Nasiib-wanaag, Xasan Maaddey wuu ka jawaabi waayay.

Hanad wuxuu ku soo laabtay Cabdirisaaq, wuxuuna u sheegay in uu hubiyay in uu Xasan Aadan yahay Xabiibo aabbaheed. Balse wuxuu ka walaac ka muujiyay sida uu Xabiibo ugu sheegi doono in ninka ay aabbaheed u taqaanno, ee ay todobada sano biileysay, ee ninkana ku mahriyay uusan aabbaheed aheyn, lana hayo aabbaheeda dhabta ah. Nin iyo god loo wado lama kala qariyee, Hanad wuxuu la fariistay Xabiibo, wuxuuna u sheegay wixii dhacay. Xabiibo waa shoogtay, miirka ayaana ka tegay, waxayna isbitaal ku jirtay saddex maalin.

Ugu dambeyntii waa lagu qanciyay, waana lala hadashiiyay. Markii ay codkiisa maqashay ayay ooyin la dhacday, odaygiina wuxuu ku celcelinayaa: Aabbe... gabarteey... ma nooleed?! Dareen farxad iyo murugo kulansaday ayay ku sheekeysteen. Wuxuu u sheegay in ay duruuftu bedeshay oo uu tuugsado, ayna caafimaad qabaan hooyadeed iyo walaalaheed oo uu Xasan Maaddey u sheegay in ay wada dhinteen. Mar kale ayay ooyin jabsatay. Call saacad qaatay ayaa dhex maray. Isla maalinkii ayay u soo dirtay $1,000. Waxayna ku ballameen in uu reerka Muqdisho u soo raro. Malaha waa markii ugu horreysay ee ay gacanta Xasan Aadan soo gashay lacag sidaas u badan. Farxad ayuu la ilmeeyay. Inta sarriftay ayuuna Qoryooley ula carraabay.

Asbuuc kadib wuxuu qoyskii soo dejiyay degmada Hawlwadaag. Bil kasta waxay u soo dirtaa $500. Nolol cusub ayay galeen. Waa markii ugu horraysay oo ay helayaan biil joogto ah, ayna ka soo toosayaan guri fillo ah. Waxaana guriga ugu jiro taleefan landline ah oo ay Xabiibo kala xiriiraan. Carruurtiina wuxuu geeyay Iskuulka Imaamu Shaafici. Cabdirisaaq oo dhacdadaan iiga sheekeeyay wuxuu igu yiri: “Markii uu Xasan Aadan Muqdisho soo degayay ayuu iigu yimid in uu ii mahadceliyo, wuxuuna ii soo hadyeeyay loor galley ah iyo saddexle macsaro ah. Wuxuuna ii sheegay in uu cafiyay Xasan Maaddey marba haddii uu helay gabadhiisii. Waxaa i soo xiriirin jirtay Xabiibo oo 2012 ii sheegtay in aabbaheed Xasan Aadan uu Muqdisho ku geeriyooday.”

Haddii aad ka heshay Asxaabtaada la-wadaag

(Shere) dheeh

Like soo saar page kaa

Guur ayay ku heshiiyeen. Habeen h**e ayay u sheegtay in aysan kaligeed kushiinka geli doonin oo ay qeybsan doonaan shaqa...
14/11/2020

Guur ayay ku heshiiyeen. Habeen h**e ayay u sheegtay in aysan kaligeed kushiinka geli doonin oo ay qeybsan doonaan shaqada guriga, wuxuuna u sheegay in ay sidoo kalena qeybsan doonaan qarashka arooska iyo biilka guriga. Kadibna Block ayay ku qabatay. Inta taleefan kale ka wacay ayuu ka codsaday in ay Blockta ka qaaddo, isla habeenkiina way ka qaadday.

Xalay ayuu Messengerka kala hadlay, balse si ay isu qaaliyeyso oo ay u jisho in ay mashquul tahay ayay jawaabta kala soo daahday. Fiidkii 07:02pm ayuu u qoray: Salaamu calaykum gacaliso. Habeen wanaagsan. Iyaduna 07:37pm ayay ugu soo jawaabtay: Ws. Isla daqiiqaddaas ayuu u qoray: see tahay gacaliso? 08:14pm ayayna u soo qortay: fcn bro.

Caawa ayay ka sii dartay. Fiidkii 08:21pm ayuu Messengerka ugu qoray: Salaamu calaykum macaanto. Jimco wanaagsan. Nafta ka warran? Qoraalkiisii way aqrisay, mana u soo jawaabin. Inta fikiray ayuu Facebook Story-ga soo dhigay sawir uu la galay walaashiis oo quruxley ah. Gabadhii inta sawirkii aragtay ayay aamintay in ninkii lagala wareegay oo uu naag kale helay. Hadda waxaa moobeelkiisa saaran 37 Missed Call oo iyada ah. Waxayna daqiiqad kahor Facebook ku soo qortay:
“Tallaabo degdeg aan u qaaday
Sidaan ugu turunturrooday
Tusaale ha ii ahaato” Afguriye

Haddii aad ka heshay Asxaabtaada la-wadaag

(Shere) dheh

Like soo saar page kaan

Facebook ayay iska barteen. Caawa ayay maqaayad isu raaceen, casho fudud ayay ka cuneen, isaga ayaana qarashkii bixiyay....
12/11/2020

Facebook ayay iska barteen. Caawa ayay maqaayad isu raaceen, casho fudud ayay ka cuneen, isaga ayaana qarashkii bixiyay. Markii ay soo bixi rabaan ayay ku tiri: abbaayo Caasho ayaa casho ii soo dirsatay gacaliye, ee aaway kabalyeerigii? Kadibna waxay dalbatay haaf bariis ah iyo kalluun girille ah oo safaari ah. Yarkii oo dareemaya in uu lacagtaas isagu bixin doono ayaa isaguna ku yiri: abbaayo anigu xitaa awoowehey ayaan casho u qaadi rabaa, wuxuuna dalbaday haaf cambuulo ah oo safaari ah.

Markii uu kabalyeerigii ka tegay ayuu istaagay isagoo iska dhigaya qof taleefan ku hadlaya. Kadibna inta baxay ayuu kabalyeerigii u tegay, wuxuuna waydiiyay qiimaha cashada. Kabalyeerigu wuxuu shergay in bariiska iyo kalluunku yihiin $12, cambuuladuna $1. Wuxuuna ku yiri: saaxiibow iska dhaaf dalabka bariiska iyo kalluunka ah ee labadaba cambuulo ka soo dhig, wuxuuna hormaris ugu diray lacagtii cambuulada oo isku noqotay $2. Kadibna gabadhii ayuu la soo fariistay.

Kabalyeerigii ayaa dalabkii keenay, labadii cambuulo ayayna kala qaateen, balse gabadhu waxay u maleysaa in ay bariis iyo mallaay wadato. Markii uu guriga tegay ayuu wacay, wuxuuna ku yiri: abbaayo kabalyeerigu dalabkaadii in uu aniga i siiyay ayaan u maleynaa oo bariis iyo kalluun ayaan wataa, ee adiga miyuu dalabkeygii kugu qalday? Inta furtay ayay ku tiri: haa aboowe. Aniga ayuu i soo siiyay cambuuladii aad awoowe u dalabtay. Wuxuuna ugu jawaabay: sorry. Awoowahey wax aan cambuulo aheyn afka ma saarayo, aniguna waan casheeyay, adiguna iima dhowid ee hadda bariiskaan iyo kallunkaan see yeelaa sharafey?

Waxaa iigu dambeysay isaga oo cambuuladiisii cunaya, oo ku heesaya: nin lagu seexdoow ha seexan.

Haddii aad ka heshay Asxaabtada la-wadaag (Shere)

Like saar page ka

W/Q: Xuseen Sabriye

Address

Muqdisho
ZIPCODE

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tv Ga somali star posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share